Home Wararka caalamka Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Kenya iyo Wasiirada arimaha Dibada

Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Kenya iyo Wasiirada arimaha Dibada

0

Khliaaf xoogan ayaa soo kala dhax galay Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Wasiirkiisa arimaha dibadda Monica Juma kaasoo salka ku haya kiiska badda ee dalkaas kala dhexeeya Somalia sida uu daabacay Wargayska the Star ee kasoo baxa dalkaas

Munica Juma ayaa lagu eedeynayaa inay ku fashilantay arimo badan oo dhanka diplomaasiyada dalka Kenya ah taasoo ay ugu wayn tahay fashilka xoogan ee kaga soo food leh kiiska muranka Kenya ay galisay badda iyo kursiga aanan rasmiga ahayn ee Goalha Amaanka kaas oo ay ku tartamayaan dalka Jabuuti.

Waxyaabaha kale ee loo haysto xoghayaha arimaha dibadda Kenya ayaa waxaa kamid ah in ay magacawday xirfadyahano aanan khibrad wanaagsan u lahayn diblomaasiyadda taasoo keentay in Kenya fashil xoogan kasoo wajaho dhanka diblomaasiyadda.

Wargayska oo soo xiganaya ilo u dhaw madaxtooyada dalkasi ayaa sheegaya in madaxwaynuhu uusan ku faraxsaneyn sida Munica Juma u wajahday arinka kiiska badda iyadoona qaab aanan waafaqsaneen diblomaasiyadda ula dhaqantay dalka Soomaaliya.

Maxkamda caalamiga ee cadaalada ayaa khamiistii sheegtay inay dib u dhigtay dhageysida dacwada badda muddo labo bilood ah halka ay Kenya doonaysay in dib loo dhigo muddo hal sano ah, iyadoo ku andacooneysa iney ceyrisay qareenadii u doodi lahaa ayna qoraneyso qareeno cusub.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here