Home galmudug (Xog Muhiim Ah) Khilaafka ka dhex jiray Madaxda Ahlu-suna oo la xaliyay

(Xog Muhiim Ah) Khilaafka ka dhex jiray Madaxda Ahlu-suna oo la xaliyay

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in ay fashilmeen dadaallo ay waday dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Odayaasha dhaqanka Dhuusamareeb oo lagu xalinaayay tabashadda Ahlusunna.

Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya u xilsaartay in uu wadahal la galo Ahlusunna si loo dejiyo Xiisadda Magaalada ka taagan.

Wasiir Sabriye ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu la kulmo Hoggaanka Ahlusunna laakiin ay diideen in ay qaabilaan Wasiirka iyo Waxgaradka Magaalada Dhuusamareeb.

Hoggaanka Ahlusunna ayaa la sheegay in ay doonayaan in ay kulmaan kaliyah Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha si wax looga qabto tabashooda.

Dhanka kale waxaa heshiis laga gaaray khilaafkii ka dhex taagan Hoggaanka Ururka Ahlusunna.

Hoggaamiya Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan ayaa la sheegay in uu ka tanaasulay Arrimihii ay isku khilaafeen Sheikh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Al-ashcari.

Madaxa Fulinta Ahlu-sunna Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Al-Ashcari ayaa Ahlusunna u xil saartay hoggaaminta Kulamada dowladda Dhexe iyo Ahlusunna iyo guud ahaan Doorashooyinka Galmudug.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here