Home galmudug (Xog Muhiim Ah) Khilaaf soo kala dhexgalay Gudiga dib u heshiisiinta Galmudug

(Xog Muhiim Ah) Khilaaf soo kala dhexgalay Gudiga dib u heshiisiinta Galmudug

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Khilaaf uu soo gala dhex galay Guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

Guddiga ayaa noqday labo dhinac, waxaana qeyb uu hoggaaminaayo Wasiirka Qorsheynta Galmudug ay taageereen Go’aamada Ahlusunna, maadaama markii hore uu keenay Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud.

Qeybta labaad ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiyaha Guddiga Cabdiraxmaan Baadiyow, waxaana ay si weyn uga soo horjeedaan faragalin ay sheegeen in Ahlusunna ay ku heyso Odayaasha dhaqanka Galmudug.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta ku sugan Dhuusamareeb ayaa xaqiijiyay in Guddiga uu qarka uu saaran yahay in uu burburo.

Shirkii dib u heshiisiinta maamulka Galmudug ayaa horay 2 jeer dib u dhac ku yimid ka dib markii Guddiga ay isku khilaafeen habka loo maraayo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here