Home Wararka Maanta Lix nin ee Ka Danbaysay Qaraxyadii Dhawaan Bakaaraha Ruxay oo lasoo Bandhigay

Lix nin ee Ka Danbaysay Qaraxyadii Dhawaan Bakaaraha Ruxay oo lasoo Bandhigay

0

Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay sawirrada rag Wanted ah oo la baadi goobayo, kuwaas la helay muuqaalkooda, iyagoo qaraxyo dhigaya goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa baahisay Xalay sawirrada lix nin oo boorsooyin qaraxyo ah dhigay dad badana ku laayey tukaamo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, raggaan ayaa muuqaalkooda laga helay kaamiradaha qarsoon ee CCTV-ga.

Qoraalkaan oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee NISA ayaa dadka Soomaaliyeed looga dalbaday in qofkii arka raggaas uu la xiriiro lambaro laga helo hey’adaha ammaanka oo lagu soo bandhigay qoraalkaan.

“Hay’adaha ammaanka waxay ku raad-joogaan dhagar-qabayaashaan oo ah kuwii qarxiyey ganacsatada Suuqa Bakaaraha, fadlan hadii aad xog ka hayso la xariir Numberadaan, 991/199 ama 0770747474/0620545454,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay NISA.
Ad
Previous articleShiikh Shariif oo Si kulul uga Hadlay Wax ka badalka Dastuurka
Next articleWax Tarka kaamirooyinkii lagu Xiray Ganacsiyada Muqdisho Oo Durbab Faaidadooda La Dareemay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here