Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Doorashada Gudoomiyaha Cusub ee Cabud-waaq iyo ku...

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Doorashada Gudoomiyaha Cusub ee Cabud-waaq iyo ku Xigeenkiisa

0

Magaalada Cabud-waaq waxaa ka dhacday doorasho lagu doortay Gudoomiyaha Cusub iyo ku Xigeenkiisa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay Doorashada ka dhacday Cabud-waaq ee Lagu doortay Gudoomiye Muxuyidiin Aadan Shiikh Ali iyo ku xigeenkiisa.

ugu Horeyn Qoor Qoor ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha Cusub ee la doortay maanta iyo ku xigeenkiisa isagoo u rajeyay in xilka Alle u fududeeyo.

Dhanka kale Waxa uu bogaadin u diray Golaha Deegaanka Degmada Cabud-waaq oo qaab hufan uga qeyb qaatay doorashada.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo afjaray in Doorashada ay tahay mid dhiirogalin u ah dhamaan dhulka Galmudug.

Ad
Previous articleBeesha Saruur oo Maantay Ciidan Farabadan Ka Dajisay Magaalada Gaalkacyo
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Cabdi Sheekeeye oo Lagu Dilay Degaanka Ceelasha Biyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here