Home galmudug (Sawiro) Dowlada Somaliya oo sheegtay Hawlgal ay ka fulineyso Deegaanada Galmudug

(Sawiro) Dowlada Somaliya oo sheegtay Hawlgal ay ka fulineyso Deegaanada Galmudug

0

Wasiirka amniga gudaha XFS mudane Maxamed Abuukar Islaaw oo uu wehliyo wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka, ayaa duleedka magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Taliska qaybta 21-aad, guddiga amniga caasimadda Galmudug iyo taliyaasha laamaha amniga oo dhan.

Wasiirka amniga ayaa saraakiisha ciidanka kula dardaarmay ka shaqeeynta qarannimada iyo midnimada si xoreeyo deegaannada Galmudug ee weli ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab lana hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed ee ay qaybta ka tahay dhismaha dekadda Hobyo.

Taliyaha guutada 15-aad ee qaybta 21-aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in isku-dhafkii ciidanka ay sare u qaaday qorshaha sugidda amniga, midnimada, wada-shaqeynta ciidanka iyo Shacabka.

Gen. Mascuud Maxamed Warsame ayaa bulshada deegaannada Galmudug guud ahaan ka codsaday in ay kala shaqeeyaan adkeynta amniga, iyo xoreynta deegaannada ay weli maamulaan Ururka Al-Shabaab.

Maxamed Abuukar Islaaw oo caddeeyay in hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidanka ku garab taaganyihiin shaqada ballaaran ee ay qaranka u hayaan, ayaa dhamaan reer Galmudug ka codsaday in ay muujiyaan isku duubni iyo wada-shaqeyn horseedda gaaridda horumarka la tiigsanayo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here