Home Wararka Somaliya Sawiro:- Axmed Madoobe oo ilaaladii ugu badneyd geeyay Caasimada Dhuusamareeb

Sawiro:- Axmed Madoobe oo ilaaladii ugu badneyd geeyay Caasimada Dhuusamareeb

0

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Ciidamadan oo ah kuwii ugu badnaa ee Axmed Madoobe la tago magaalo kale ayaa hordhac u ah wafdigiisa oo ku wajahan Magaaladaasi maalinta beri ah.

Dayuurad gaar ah oo ciidamadaas ka soo qaaday magaalada Kismaayo ayaa galabta ka degtay magaalada Dhuusamareeb sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Gaadiid ay si ku meel gaar ah ugu socdaan ilaalada Axmed Madoobe ayaa la sheegay in loogu diyaariyey magaalada Dhuusamareeb, maadaama aysan wadan wax gaadiid ah.

DF iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa beri waxaa magaalada Dhuusamareen uga furmaya shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Madaxda dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur galbeed oo manta gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaanan halkaas la tegin wax ilaalo gaar ah, waxaana amnigooda sugaya ciidamada DF ee halkaas ku sugan, dad badan ayaana isweydiinaya sababta Axmed Madoobe iyo Saciid ay ilaalo fara badan u kaxeystaan marka ay booqanayaan magaalooyinka kale ee dalka oo xitaa ay ku jirto caasimada Muqdisho.

Ad
Previous articleMadaafiic Lagu Garaacay Caasimada Dhuusamareeb oo ay ku Suganyihiin Madax kala duwan
Next articleGalmudug oo ka hadashay hoobiyeyaasha lagu weeraray Caasimada Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here