Home Wararka Maanta Labo tareen oo xooli ku socotay oo isku dhacay iyo dad ka...

Labo tareen oo xooli ku socotay oo isku dhacay iyo dad ka badan 230 qof oo ku dhimatay

0

Shil tareen oo dad badan ku dhinteen ayaa xalay ka dhacay gobolka Odisha ee dalka Hindiya , waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha dhimasho ee shilkan ka dhashay in ay sii kordhaan.

Inta la ogyahay shilkan waxaa ku dhintay 233 qof , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 900 qof oo kale, dadka dhaawacyada qaba qaar badan oo kamid ah ayaa lasoo sheegayaa in xaalad adag oo halis ah ku jiraan.

Masuul katirsan dowladda Hindiya ayaa sheegay in ay cabsi badan ka qabaan in ay sii kordhaan dhimashada ka dhalatay shilka tareen, waxa uuna tilmaamay in dadka dhaawacyada qaarkood xaaladooda aad u culus tahay.

Wuxuu intaas ku daray in goobta shilku ka dhacay lasoo gaarsiiyey in ka badan 200 oo ambalaas ah oo ka tirsan degmada Balasoore ee Odisha, waxaana la diyaariyey 100 kale oo dhakhaatiir ah, kuwaas oo kor u dhaafaya 80 ka mid ah kuwa hore u joogay.

Dad badan oo u dhashay Hindiya una badan
dhallinyaro ayaa safaf dhaadheer u galay bannaanka isbitaalka dowladda ee Odisha Soro si ay ugu deeqaan dhiig dadka dhaawacyada qaba.

Shilkan tareen ee ka dhacay dalka Hindiya ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa muddo tobabaan sanno ah , waxaana saraakiisha booliiska sheegeen in ay socdaan baaritaano la xiriira sababta keentay shilkan.

Ad
Previous articleMooshin Mudo korarsiga Hay,adaha Dowlada oo Maantay Baarlamaanka Soomaaliya La Horgaynaayo
Next articleXildhibaannada golaha Shacabka oo dood adag ka yeeshay Mooshinka muddo kororsiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here