Home galmudug (Dhageyso) Gudiga Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo ka hadlay Caqabadaha heesta...

(Dhageyso) Gudiga Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo ka hadlay Caqabadaha heesta shirka

0

Guddiga dib u heshisiinta maamulka Galmudug ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu doonaayo in lagu furo Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo markii labaad dib u dhac ku yimid.

Qaar ka mid ah beelaha degan maamulka Galmudug ayaa wali diidan in ay ka qeyb galaan Shirka maamulka Galmudug, waxaana ay sheegeen in ay qabaan tabashooyin ku aadan hanaanka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku waddo dhismaha maamulka Galmudug.

Caqabaddaha ugu weyn waxaa ka mid ah Ammaanka xarunta shirka Dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo wali aan Ciidan rasmi ah lagu wareejin taasoo keentay in Boolis iyo nabadsuggid ay ku dagaallamaan.

Gudoomiyaha Guddiga u dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa sheegay in dhammaan Ergooyinkii ka qeyb galaayay Shirka ay soo gaareen Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana maalmaha soo socda uu furmi doono Shirka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here