Home Wararka Somaliya Jubbaland Axmed Madoobe oo iska Diiday Dalab uga Yimid Beesha Caalamka ee Kuraasta...

Axmed Madoobe oo iska Diiday Dalab uga Yimid Beesha Caalamka ee Kuraasta Gobalka Gedo

0

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xalay Xarunta Madaxtooyada marti qaad ugu sameeyay Xildhibaanada laga soo doortay Jubaland ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kuraasta dhiman ee Gobolka Gedo iyaguna dhawaan la soo dooran doono isla markana matalaad la’aan ayna noqon karin dadka ree Jubbaland ee gobolkaas ku nool.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in ayna macquul ahayn doonista qaar kamid ah beesha caalamka ee raba in Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday ay kala qeybsadaan Xildhibaannada kasoo baxaya Gobolka isla markaana dadka matalaadda iska leh ee deegaankaas ka soo jeeda ay iyagu soo dooran doonaan dadka ku matalaya Baarlamaanka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in haddii kuraasta la kala qeybsanayo ay dadkii ku matalayay gobolkaas siyaasadda Jubbaland ay joogaan isla markaana iyagu ay geed fadhi u yihiin xal ka gaarista arrintaas.

Ad
Previous articleMidowga Afrika oo ka hadlay Bandawga ay saareen Xerada Xalane iyo Garoonka diyaaradaha
Next articleMadaxweynihii hore ee Hirshabeele oo Ka Digay In La Fasaxo Kursiga Fahad Yaasiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here