Home Wararka Maanta Geedka 300 sano jirka ee jabay ee ay ka hoos khudbeeyeen talisyadii...

Geedka 300 sano jirka ee jabay ee ay ka hoos khudbeeyeen talisyadii Xayla Salaase, Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Siyaad Barre ee looga naxay sida qof dhintay oo kale

0

Geedkani waa geed aad u fac weyn, waxaana lagu qiyaasaa in uu jiro in ka badan 300 oo sano. Wuxuu ku yaallay dhanka galbeed ee magaalada Wardheer waxaana dhinaca midig ka marta waddada isku xirta magaalooyinka Wardheer iyo Qabridaharre, ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Dhanka bidixna waxaa ka xiga waddada isku xirta Wardheer iyo Shilaabo. Ka soo horjeedkiisa waxaa ku yaalla garoonka kubadda cagta ee Magaalada.

“Geedkani geed keliya ma ahayn ee waxa uu ahaa astaan umadeed waxa uu ahaa geed ka facweyn dhammaan maanta umadda adduunka joogta. Arrimaha deegaanka looga talin jiray, salaadiintaa lagu dooran jiray, wuxuu ahaa xafiis lagaga tashado arrimaha deegaanka,” ayuu BBC u sheegay Xasan Daahir oo ka mid ah Odayaasha deegaanka.

Xasan ayaa sheegay inaysan jirin sabab la garan karo oo uu geedkaass taariikhiga ah u dumay.

“Ma jirto sabab la ogyahay oo uu geedka u dumay, shalay maqribkii unbuu dhexda ka kala jabay.”

“Geed la illaawi karo ama laga sabri karo ma ahayn, waxa uu ahaa astaan ummadeed iyo geed loo soo dalxiis tago oo ilaa saddex qarni jira.”

“Aad baan uga naxay oo qaadanwaa ayay igu noqotay, waxaan dareennay sida iyada oo uu naga dhintay ninkii dalka ugu madaxsanaa, aniga oo dhan ayaa baddalmay,” ayuu yiri Xasan oo BBC-da uga warramay dareenkiisa.

Quracaan ayaa inta la ogyahay, soo maray saddex magac oo loo bixiyay.

1. “Quraca Daw-Guduud”. Waa magacii u horreeyay ee loo yaqaannay.

2. “Gubateel” waa magac kale oo isna mar loo yaqaannay. Silsiladda Guba ayaa la isagu marin jiray oo lagu tirin jiray laguna teeli jiray maaddaama ceelka silsiladu ka bilaabatay waa “Camuude” uu meesha ku yaallay.

3. “Quracle” waa magacii u danbeeyay ee loo yaqaannay. Waxaana agtiisa ku yaallay ceel-biyood isaga lagu samiyey oo ceelka ayaa la oran jiray Quracle.

“Geedkan maaddaama uu ahaa hoolkii shirarka Wardheer inta la hubo waxaa ka hoos khudbeeyay talisyadii Geeska Afrika soo xukumay. Mililik, xayla Salaase, Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Taliskii Talyaaniga kolkii uu Itoobiya qabsaday, Taliskii Ingiriiska Kolkii uu Talyaaniga ka adkaaday Dagaalkii Labaad, Taliskii Maxamed Siyaad Barre Dagaalkii Todobaatan iyo Todobadii.”

“Waxaan dowalad deegaanka ka codsaneynaa in geedkaas meeshiisii laga sameeyo waxa lagu xusuusto oo aan sidaa lagu ilaabin,” ayuu yiri Xasan

Ad
Previous articleNin Suudani ah oo sheegay in uu aasay 20 qof oo wadada looga tagay
Next articleMadaxweyne shaqada ka ceyriyay 428 oo kamid ah cidamadiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here