Home galmudug (Akhriso) Galmudug oo amar ku soo rogtay Dadka Shacabka ee ku nool...

(Akhriso) Galmudug oo amar ku soo rogtay Dadka Shacabka ee ku nool Magaalada Gaalkacyo

0

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa amar la dul-dhigay dadka ku nool Magalada Gaalkacyo, kaas oo la xiriira dhinaca Amniga.

Amarkaan ayaa sigaar ah loo faray dadka ku nool Magalada Gaalkacyo,waxaana lagu amray inay is diiwaangeliyaan dadka hubka ku dhex heysta Magalada, isla markaana an ka tirsaneyn Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale waxaa la sheegay in cid alaala cidii qaadan weysa Amar kasoo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan

Maalmihii lasoo dhaafay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa socdaal ku joogay Gobolka mudug kuwaas oo kulamo kala duwan la qaadanayay Maamulka Gobolka kan Degmada iyo Saraakiisha Booliiska si loo xoojiyo Amaanka iyo Xasiloonisa guud ee Gobolka mudug

Hoos Ka Akhriso Warqada kasoo baxday Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here