Home Wararka Somaliya Galmudug Beelaha Ceyr Mursade iyo Xawaadle oo Ku Dhawaaqay isbahaysi Cusub

Beelaha Ceyr Mursade iyo Xawaadle oo Ku Dhawaaqay isbahaysi Cusub

0

Qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartmaha Soomaaliya ayaa u heshiisyay kooxda Al-Shabaab, kadib shirweyne ka dhacay deegaanka Waradhuumale ee gobolka Galgaduud.

Shirkan oo aha mid xasaasi ah ayaa u dhexeeyay Beelaha Habargidir, Murusade iyo Xawaadle, waxaana sidoo kale ka qayb-galay xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiro guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan.

Saddexdaan beeleed ayaa ku heshiiyay inay meel uga soo wada jeestaan Al-Shabaab, ayna iska kaashadaan howlgallada xoreygta ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Hiiraan.

Xubnaha shirka ka qayb-galay ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna si wada jir ah u wada geli doonaan dagaalka socda.

Cali Jayte oo ka hadlay goobta ayaa ka hadlay heshiiskooda, wuxuuna sheegay in Beelaha

Xawaadle, Murusade iyo Habargidir ay isku raaceen in si wadajir ah looga wada qeyb qaato la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, isaguna uu wax ka hoggaamin doono dagaalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilligan la joogo watigii la’iska dulqaadi lahaa Al-Shabaab, ayna muhiim tahay inay u wada midoobaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed.
“Al-Shabaab dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay dhibaatooyin kala duwan ku hayeen bulshada ku nool gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, maanta waxaa la jooga xiligi aan iska dulqaadi laheyn, waxaan ka koobanahay sadax beelood waa inaan dhulkeena ka xureyna oo beenta ay Diinta anagana naga sheegaan aan soo afjarno” ayuu yiri Cali Jayte Cismaan.
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Saakay ka Dhacay Mudug
Next articleAlshabaabkii ugu Badnaa oo Maantay isku Dhiibay Ciidamada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here