Home Wararka Caalamka Nin cadaan ah oo wax ka Yar labasano siiyay Gabar keenyaan ah...

Nin cadaan ah oo wax ka Yar labasano siiyay Gabar keenyaan ah oo u shikansanyay siiyay $5.6 oo Dacwad lagu soo oogay

0

Ninka oo magaciisa lagu sheegay Merc De Mesel, una dhashay dalka Belgium ayaa lacag dhan 650 milyan oo shillinka Kenya ah siiyay saddex gabdhood oo sheegay inay yihiin saaxiibaddiisa, iyo laba qof oo ehaladooda ah.

Lacagtaas ayaa dollar ahaan ka badan 5.6 milyan, waxaana uu De Mesel bixiyay muddo 19 bilood gudahood ah.

Dembi baarayaasha Kenya ayaa rumaysan in ninka lacagtaas bixiyay uu yahay mid ku lug leh ganacsiyo sharci darro ah, isla markaana uu doonayo in lacagta xaaraanta ah uu ku xalaaleeyo Kenya.

Hay’adda Kenya u qaabilsan soo-celinta hantida ee magaceeda loo soo gaabiyo ARA ayaa bishii August 2021 hakisay lacag dhan 102 milyan oo shilling oo uu De Mesel u soo diray saaxiibtii Felesta Njoroge oo dhigata kuleej ku yaal Nairobi.

Waxa uu sidoo kale 103 milyan oo shilling u soo diray haweeney kale oo lagu magacaabo Tebby Wambuku Kago oo sheegtay inay tahay xaaskiisa, ayna kula nooshahay guri ku yaalla Nairobi.

Sidoo kale waxaa jirta gabar saddexaad oo magaceeda lagu sheegay Serah Wambui, taasoo sheegtay inay saaxiib la tahay De Mesel.

Horraantii bishan, wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in hay’adda ARA ay daba socoto koonto kale oo uu lacag ku soo shubay De Mesel, isla markaana uu leeyahay nin lagu magacaabo Timothy Waigwa Maina oo ay qaraabo dhaw yihiin Serah.

Timothy ayaa sheegay in De Mesel uu u hibeeyay lacag dhan 47 milyan oo shilling si uu ugu billaabo gnaacsi.

Ad
Previous articleSaraakiil Sarsare oo Ruushka looga Dilay Dagaalka ukrain
Next articleSaldhig Ciidamada Kenya Daganyihiin oo weerar Culus lagu Qaaday Khasaaro Ka dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here