Home Wararka caalamka Mareykanka Toogasho labaad oo ka dhacay baar ku yaalla Gobolka Ohio

Mareykanka Toogasho labaad oo ka dhacay baar ku yaalla Gobolka Ohio

0

Nin hubeesan ayaa weerar ku qaaday dad ku sugnaa baar kuyaala Dayton gobolka Ohio ee dalka Maraykanka, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 9-qof ayaa ku dhintay toogashada ka dhacday Baarka kuyaala magaalada Dayton, waxaa sidoo kale toogashadan ku dhaawacmay dad ka badan 15-qof sida booliisku sheegeen.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in nin hubeesan weerar ku qaaday goob baar ah, waxaana goobjoogaaal sheegeen in weerarkan uu fuliyay nin cadaan ah oo xirnaa dhar madow.

Toogashadan ayaa noqoneysa tii labaad oo saacado gudahpood ka dhaca dalka Mareykanka, toogasho kale uu geestay nin hubeesan ayaa saacado kahor lagu dilay dad gaaraya 20-ruux halka tiro intaa ka badana lagu dhaawacay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here