Home Wararka Maanta Bangiyada Ku yaal Muqdishu oo Caqabad Cusub Soo Kordhiyay Si Xildhibaanada lacago...

Bangiyada Ku yaal Muqdishu oo Caqabad Cusub Soo Kordhiyay Si Xildhibaanada lacago loogu Dhexmarsiiyo

0

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya inta badan bangiyada dalka gaar ahaan kuwa kuyaalla magaalada Muqdisho iska diideen in lacago laaluush ah Xildhibaanada loogu shubo akoonada ay leeyihiin iyo kuwa kale oo gaar ah.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa horey isaga diiday in musharaxiinta ka qaataan lacago dollar oo kaash ah iyaga oo ka cabsi qabay in lacagahaasi loogu dhax qariyo kuwa faalso ah iyo kuwa kale oo jeex jeexan.

Sida aan wararka ku helnay xildhibaanada ayaana musharaxiinta ka codsaday in lacagahooda ugu shubaan akoonada ay bangiyada ku leeyihiin si ay iyaga uga baxsadaan marka ay u baahdaan.

Madaxda bangiyada dalka kuyaalla oo ka cabsi qaba in mustaqbalkooda saameyn ku yeelato lacagaha laaluushaka ah ee la dhax marinayo ayaa iska diiday in lacago musuq maasuq iyo laaluush ah bangiyadooda la dhax mariyo.

Xildhibaanada intooda badan oo la filayay in ay soo xaadiraan hoolka doorashada ayey caqabad ku noqotay go’aankan kasoo baxay bangiyada, waxa ayna raadinayaan xal kale ay ku heli karaan lacagaha laaluushka ah ee ka qaadanayana musharaxiinta.

Arrintan ayaana laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato musharaxiinta qaar oo horey akoono uga qortay xildhibaanada una sheegay in lacago ugu shubayaan, waxa ayna taasi culees ku noqon doontaa mushartaxiin badan.

Musharaxiinta qaarkood ayaa wararku sheegayaan in lacago kaash ah bixiyeen, halka kuwa kalana ay damiinteen ganacsato waa weyn oo lacagaha laga rabo ballanqaaday in ay bixinayaan.

 

Ad
Previous articleQaar Ka Mid ah Musharixiinta madaxweynaha oo Gaaray Teendhada Afisyooni(Sawiro)
Next articleShiikh Shaakir iyo Saraakiishii Ugu Sareeyey Ahlusuna oo Xogtooda lahelay Xagee Ku Danbeyeen(Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here