Home wararka Dalka Qarramada Midoobey oo ka tacsiyeeysay geerida Duqii Muqdisho Eng Yariisoow

Qarramada Midoobey oo ka tacsiyeeysay geerida Duqii Muqdisho Eng Yariisoow

0

Xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid gaaridii maalintii shalay ku timid guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Yariisoow]

James Swan wakiilka xoghayaha guud ee Qarramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegay in murugada iyo baroor diiqda ay la qeybsanayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo tacsi u diray qoyska iyo ehelada Eng Yariisoow.

‘’Waxaan tacsi u direynaa qoyskii iyo dadkii ay saaxiibada ahaayeen Eng Yariisoow oo muddo dheer ku howlanaa in uu u qidmeeyo dalkiisa iyo dadkiisa, kaddib dhaawacii cuslaa ee ka soo gaaray qaraxii argaggixiso ee ka dhacay xarunta gobolka Banaadir’’ ayuu yiri James Swan oo wakiil ka ah xoghayaha guud ee Qarramada Midoobey.

Wuxuu sheegay in ka tagisitiisa dunida siweyn loo dareemi doono, waxaana uu dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeno cadaallada kuwii ka danbeeyay weerarkii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyada Qaraxa ayaa ku tilmaamay bartilmaameedka qaraxa in uu ahaa wakiilka Qarramada Midoobey James Swan oo daqiiqado ka hor inta uusan qaraxu dhicin ka baxay xarunta.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here