Home galmudug Maxaa keenay in Hay’ada MSF ay dib u dhigto la wareegida isbitaalka...

Maxaa keenay in Hay’ada MSF ay dib u dhigto la wareegida isbitaalka Gaalkacyo ee Galmudug

0

2 dii Bishii May ee Sanadkan Hay’ada Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (MSF) ayaa shir ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Galkacyo ayaa kaga dhawaaqday in ay dib ugu soo laabanayso Isbitaalka Koofurta Magaalada Galkacyo horaanta bisha June 2019.

Waxaa dhawaan soo ifbaxday in ay jirto warqad loo qoray hay’ada oo ay qoreen 9 dhaqtar oo ku sugan Magaalada Galkacyo oo ku aadan qaabka imtixaanka hay’ada, ayagoo sheegay in aysan masuul ka ahayn wixii ka yimaada hadii imtixaanka laga qaado shaqaalaha Isbitaalka kaliya, sida ay ii xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah.

Hay’ada ayaa intaas ku dartay in ay ka mid tahay warqadan dhaqaatiirtu qortay sababaha dib u dhigay in mashruuca la fuliyo waqtigii loogu talogalay.

Shaqaalaha isbitaalka ayaa ilaa bishii 3aad ee sanadkan isbitaalka ugu shaqaynaayan tabarucaad ayagoo wax mushaar ah aan qaadan, waana sababta ay u soo jeediyeen maamulka isbitaalku in imtixaanka uu u gaar noqdo kaligood.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka isbitaalka ayaa go’aamiyay in imtixaanku uu u furan yahay dhamaan cidii danaynaysa si loo soo dadajiyo in mashruucu bilawdo, waxaana la filayaa in bishan aynu ku guda jirno ay bilawdaan howlaha hay’ada MSF ee isbitaalka Koofurta Galkacyo.

W/Q Liban Cajiib

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here