Home Wararka Somaliya Dowlada Somaliya oo Ciidamo dheeri ah geysay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

Dowlada Somaliya oo Ciidamo dheeri ah geysay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarad sida Ciidamo ka tirsan Guutada Gorgor ee Kumaandoosta Soomaaliya ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada, isla markaana ay soo dhaweeyeen Saraakiil Ciidan.

Ciidamada oo gaaraya in ka badan 50 Askari ayaa wararka aan helnay waxaaa ay sheegayaan in ujeedka loo geeyay Magaalada Dhuusamareeb inay tahay sugida Amniga doorashada Xildhibaannada labada Aqal oo halkaasi lagu qabanayo.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Galmudug iyo kuwa dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in la dejiyay Xero ku taal Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana Ciidamada ay dhawaan bilaabi doonaan howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer Magaalada Dhuusamareeb geeysay Ciidamo kala duwan, waxaana xusid mudan in Maalin ka hor Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad in la geeyay Magaalada Jowhar oo kamid ah magaalooyinka ay doorashooyinka ka dhacayaan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Puntland Siciid Deni oo amar siiyay laamaha Amniga
Next articleQaramada Midoobey oo War naxdin leh ka qortay Caruur Somaliyeed oo Muddo la raadinaayay Tababarna Loo qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here