Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo War lama Filaan ah kasoo Saaray Go,aankii Shirka Golaha...

Madaxweyne Farmaajo oo War lama Filaan ah kasoo Saaray Go,aankii Shirka Golaha Wadatashi Qaran

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo war qoraal ah soo saaary ayaa ka falceliyay qodobadii kasoo baxay shirkii xubnaha Golaha Wadatashiga ee lagu soo xiray magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanadii ka soo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa in dalku aado doorasho qof iyo cod ah.

“Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, taas oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan”. Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo ammaan kala Dul dhacay Madaxweyne Xasan iyo P.M Xamse Barre
Next articleRaysulwaasaare Xamza oo Ka Hadlay in Raysulwasaare Meesha Laga Saaro Sida Lagu Heshiiyay go,aankii Golaha wadatashi Qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here