Home puntland (Sawiro) Boosaaso oo lagu qabtay Waxyaabaha Qarxa iyo Ragii waday

(Sawiro) Boosaaso oo lagu qabtay Waxyaabaha Qarxa iyo Ragii waday

0

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa ay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa oo la doonayay in dhibaato lagu geesto.

Howlgalka ciidamada sameeyeen ayaa lagu soo qabtay qaraxyo miino oo la diyaariyay, iyo qalabkii loo adeegsan lahaa, waxaa sidoo kale howlga;ka lahu soo qabtay ragii qaraxyadaasi diyaariyay.

Saraakiil katirsan ciidamada Puntland ayaa sheegay in qaraxyadan lasoo qabtay la doonayay in lagu waxyeeleeyo dadka dhacabka ah, waxa ayna sheegeen saraakiisha in raga lasoo qabtay cadaalada la horgeyn doono.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo iyo dilal ay geestaan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish, waxaana marar badan laamaha amaanka Puntland soo bandhigeen qaraxyo ay sheegeen in la fashiliyay lana soo qabtay .

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here