Home Wararka Somaliya Magaalada Dhuusamareeb oo lagu soo dhaweeyay gudiga Doorashada Galmudug

Magaalada Dhuusamareeb oo lagu soo dhaweeyay gudiga Doorashada Galmudug

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa Maanta gaaray  Xubnaha Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug.

Xubnaha oo uu hoggaaminayo gudoomiyaha gudigga Maxamed Daahir Guuleed, kuwaas oo ka tegay Magaalada muqdisho ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiiin ka tirsan gollayaasha Galmudug iyo agaasinka madaxtooyada Galmudug.

Gudoomiyaha Gudigga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug, Maxamed Dahir Guuleed oo ay wehliyaan xubnaha kale ee gudigga ayuu imaatinkoodu la xiriiraa ambaqaadida howlaha doorashooyinka ee dhacaya inta u dhexeysa bilaha July iyo October ee sanadkan.

Sidoo kale Xubnaha Guddiyada doorashooynka ee dowlad Goboleedyada ayaa horay u gaaray degaannadooda, kuwaas oo u diyaar garoobayo inay bilaabaan qabashada doorashada Xildhibaannada labada Aqal.

Ad
Previous articleWeerar Dhimasho iyo dhaawac geestay oo ka dhacay degmada Dayniile
Next articleMuuse Suudi oo mar kale weerar afka ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here