Home Wararka caalamka Amiir la dhashay Boqorka Dalka Sacuudi Carabiya oo geeriyooday

Amiir la dhashay Boqorka Dalka Sacuudi Carabiya oo geeriyooday

0

Amiir Bandar Bin Salmaan oo ahaa Walaalka ay isku aabaha yihiin Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday da’da 96-jirka.

Amiirka geeriyooday waxa uu ahaa Amiirka ugu da’da weyn ee 10-ka Wiil ee uu dhalay Boqorkii asaasay Boqortooyadda Sacuudiga, Boqor C/casiis Al-sacuud.

Amiir  Faysal Bin Turki Bin C/casiis ayaa xaqiijiyey geerida Amiir Bandar oo aan haatan wax xil ah ka haynin Booqrtooyadda, inkastoo ay 3 ka mid ah Wiilashiisa oo kala ah Amiir Faysal Bin Bandar, Amiir C/llaahi Bin Bandar iyo Amiir Khaalid Bin Bandar xilal muhiim ah ka hayaan Saldanadda Boqortooyadda Sacuudiga.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here