Home galmudug (Xog Muhiim Ah) Ahlu-suna oo kasoo horjeeda in Ciidan Boolis ah ...

(Xog Muhiim Ah) Ahlu-suna oo kasoo horjeeda in Ciidan Boolis ah la geeyo Magaalada Dhuusomareeb

0

Raysulwasaare Kheyre iyo Hugaamiyaha Ahlusunna ayaa Wadahadal Meel wanaagsan Maraya ka Leh Arimaha Taagan ee ku Saabsan Imaatinka Ciidamo Booliska Soomaaliyeed ka Tirsan , Saad iyo Agab Ciidan oo Diyaarada Sidey Saakay Laga Baajiyey Garoonka Diyaarada Ee Dhuusamareeb qorshuhuna ahaa in diyaaradaasi Horey u Qaado Raysulwasaare Kheyre oo Muqdisho U Safri Laha!

Labada Dhinac ayaa kawada Hadlaya Sidii la iskugu Fahmi lahaa Howsha Ciidamadaasi iyo Sababta ka Dambeysa Keenitaankooda maadaama Sida Dhanka Ahlusunna ku Doodayaan aysan Jirin Baahi Amni oo Waqtigaan Taagan

Ciidamado ka Tirsan Kuwii ahlusunna ee Dowladu la Wareegtay, la Qarameeyey, Qaateyna Mushaarkooda ayaa Barqanimadii Maanta La Wareegay Amaanka Garoonka Diyaaraha ee Dhuusamareeb Halkaa oo Labo Maalin kohor lagu Wareejiyey Ciidamada Booliska Faderaalka waxaana Tilaabadan ay Daba Joogtay Isjiijiidka Ku Saabsan arimaha Imaatinka Ciidankaasi oo Dhowrkaan Cishoba soo Jiray

Wararka ayaa sheegaya in Dhowr maalin oo isxigta uu Baaqday Safar Raysulwasaare Kheyre ku Tagi lahaa Magaalada Muqdisho oo Qorshihiisu ahaa in Maalmo kadib uu Dhuusamareeb ku soo Laabto

Culeesyada Jira ayaa si’ahaan u muuqda kuwo Xalkoodu dhowyahay sida laga soo Warinayo xubno ku Dhow labada Masuul.

Xigasho: Abdulaahi Warsame Rooble

Mudug24 Cadaado

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here