Home galmudug (Sawiro) Ciidanka amaanka Degmada Hobyo oo lagu wareejiyay Qalab Kala duwan oo...

(Sawiro) Ciidanka amaanka Degmada Hobyo oo lagu wareejiyay Qalab Kala duwan oo Muhiim ah

0

Haween Qurbo Joogta Reer Galmudug Ka Tirsan ayaa Agab Muhim ah Gaarsiiyay Ciidanka Amniga Degmada Hobyo.

Magaalo Xeebeedka Hobyo Gobolka Mudug Ee Galmudug Waxaa ku sugan ciidankii ugu badnaa oo iskugu jira Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Amaanka Galmudug ah kuwaasi oo si weyn u adkeeyay dhamaan xuduudaha iyo waddooyinka Gala ama ka baxa Hobyo Maadaama Hobyo tahay Xaruntii dhaqaalaha Galmudug oo ku taal Badweynta india ahna Magaalo leh Dekad.

Sidaasi oo kalana  wali waxaa ka socdo Shirkii Aaya ka Talinta Beelaha Ku Abtirsa Habargidir ee kasoo Jeeda Galmudug.

Dhanka kale Si loo dhiiri Galiyo loolana qeybsado Qaboga Xilligaan Xagaaga ah ka jira Hobyo waxaa Ciidanka Amaanka Hobyo la Gaarsiiyay Hadiyado kala duwan oo Muhim ah ayna ka mid yihiin dharka dhaxanta ama Bustayaal oo ay Hadiyad ahaan ugu talagaleen Gabdhaha Reer Galmudug ee Dalka dibaddiisa Ku nool oo soo wakiishay
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Galmudug Marwo Maymuun Cali Nuur Gayfane.

Ma’uuliyiin ka Tirsan Galmudug Iyo Saraakiil Ciidan ayaa koob joog ka ahaa munaasabadda Agabka Ciidan Lagu wareejiyay Taliska Qeybta Amniga Degmada Hobyo oo Uga Mahad celiyay Gabdhihii Ugartay Hadiyadahaan Muhimka U ah.

W/Q/Wariye Abdalle Mohammed Abdulle
Tifaftiraha Wararka Iyo Barnaamiyada Warbaahinta Mudug24.com Gaalkacyo

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here