Home galmudug Kulanka Odayaasha Cabud-waaq iyo Gudiga dib u heshiisiinta oo Natiijo la’an ku...

Kulanka Odayaasha Cabud-waaq iyo Gudiga dib u heshiisiinta oo Natiijo la’an ku soo dhamaaday

0

Odayaasha Caabudwaaq iyo Gudiga dib u heshiisiinta oo kulankoodii kusoo dhamaaday natiijo la,aan

Kulankan oo xalay ka dhacay magaalada Caabudwaaq islamarkaana dhexmaray gudiga dib u heshiisiinta Galmudug iyo odayaasha Caabudwaaq ayaa looga hadlay sidii beelaha dega Caabudwaaq uga qeybgeli lahaayeen shirka dib u heshiisiin ee la doonayo in lagu qabto Dhuusamareeb

Odayaasha ayaa u sheegay gudiga dowladu soo magacowday in la xaliyo tabashadooda ka hor inta aysan tagin Dhuusamareeb hase yeeshee gudiga ayaa u sheegay in muhiimada ay tahay inay tagaan Dhuusamareeb

Odayaasha ayaa diiday inay tagaan Dhuusamareeb ilaa laga xalinayo tabashadooda

Qaarkamid ah odayaasha ayaa ku eedeeyay gudiga in xalay xili dambe ay qorteen 64 ruux kuwaas oo aan aheyn odayaasha ka go,do talada

Mudug24 Cabud-waaq

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here