Home Wararka Somaliya Dowlada Somaliya oo baaq cusub u dirtay Maamulada Puntland iyo Jubbaland

Dowlada Somaliya oo baaq cusub u dirtay Maamulada Puntland iyo Jubbaland

0

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland inay kasoo qeyb-galaan shirka wadatashiga doorashooyinka ee uu dhawaan ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in dowladda ay xal u aragto in dhamaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Hoos Ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas.

Ad
Previous articleWar deg deg Ah:- Musharixiinta Somaliya oo ku dhawaaqay Banaan-bax kale maalinta Jimcaha
Next articleDhageyso Khudbadii Madaxweyne Deni uu xalay ka jeediyay Garoowe uguna hadlay siro badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here