Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in Cidna loo Joojineen Doorashada Dalka

Ra’isul Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in Cidna loo Joojineen Doorashada Dalka

0

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaarihii hore, Wasiiro iyo Xildhibaano

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa munaasabadan qudbad uu ka jeediyay waxa uu ku sheegay inuu aad u soo dhaweynayo heshiiska ay gaareen siyaasiyinta ka soo jeeda Somaliland.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa qudbadiisa sidoo kale ugaga hadlay sida ay ugaga go’an tahay in uu ilaaliyo in awooda shacabka lagu takrifalo uuna shacabku yahay xor.

“Cid cid u istaageysa ma jirto, horaa loo soconayaa, Shacabka Cid ka sareeysa ma lahan, cid Shacabka awoodeeda si qaldan ugu tagri fali kartana ma jirto, Shacabkuna waa xor, waana tashteen intaas in aad la socotaan ayaan rabaa.”ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku booriyay siyaasiyiinta Somaliland inay dedejiyaan qabashada doorashada Aqalka Sare isla markaana uu diyaar u yahay inuu garab taagnaado.

“Waxaan Diyaar u ahay in Halaqa, Dhurwaayada iyo Dawacooyinka geesaha taag taagan aan idinka celiyo.”ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka sheegay munaasabadan in khilaafka u dhexeeyay siyaasiyinta Somaliland uu ahaa mid la abuuray balse markii dambe oo loo madax baneeyay ay ka heshiiyeen.

“Annaga isma khilaafin, laakiin annaga khilaafka ku saabsan somaliland waxa uu ahaa mid ku gacankurimis qilaaf la abuuray saaxibadeena koofurtana nalagu daartay Koofurtaa na gacmgacmeysay.”ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ka hadlay munaasabadan ayaa ka dalbaday dadkii ku lug lahaa khilaafka gobolada Waqooyi inay is cafiyaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Aqalk Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa waxa uu xusay in uu taageersan yahay in Ra’isul Wasaaruhu ka shaqeeyo cadaalada.

“Waxaan aad iyo aad u taageersanahay talaabadda geesinimadda leh ee badbaadinta dalka iyo cadaalad u raadinta shacabka Soomaaliyeed oo ah cadaalad badbaadin,nabad iyo degnaansho u hiilinta ee uu qaaday Ra’isul Wasaare Roble.”ayuu yiri Cabdi Xaashi

Ad
Previous articleBeesha caalamka oo War ka soo saartay Kiiska ikraan Tahliil faarax iyo Muranka Siyaasadeed ee dalka
Next articleTaalibaan oo Afgaanistaan uga dhawaaqday Dowlad KMG ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here