Home Wararka Maanta Ciidamada Kasoo Baxay Furimihii Dagaalka Galmudug oo La shaaciyay Xiliga Ay Dib...

Ciidamada Kasoo Baxay Furimihii Dagaalka Galmudug oo La shaaciyay Xiliga Ay Dib ulaabanaayaan

0

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa Galmudug ayaa soo baneeyay furimaha dagaalka ee ay ku hor joogeen ururka al Shabaab, sida uu xaqiijiyay taliyaha saldhigga booliska ee degmada Bacaadweyn oo ka mid ah meelaha ay ka soo baxeen ciidamadu.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa intooda badan soo gaaray magaalada Baxdo oo 90 km dhinac Koonfur-Bari kaga began degmada Cadaado.

Al-Shabaab ayaa barahooda internet ka ku baahiyay in ay gudaha u galeen guud ahaan saldhigyadii la faruujiyay oo ay haatan iyagu ku sugan yihiin.

“Magaalada xeelad dagaal ayaan uga baxnay, afaafka magaaladaanan joognaa, insha Allah, hadana waan rajeyneynaa inaan galno. Wax joogana lama arko”, sidaas waxaa yiri taliyaha saldhigga booliska ee deegaanka Bacaadweyn.

Sababta furimaha ciidanku uga baxeen

Taliyaha saldhigga Bacaadwayn, oo wareysi siiyey BBC, ayaa sababta looga soo baxay goobahaas ku micneeyay xeelad dagaal, ayna dib ugu noqon doonaan xarumahoodii ay ku lahaayeen furimaha.

“Saacadaha soo socda magaalada gudaheeda inaan ku afurno ayaan doonayaa”, ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay inaan wax ka waydiino sababta ciidamadaan usoo baxeen ayaynan noo suuragalin inaan helno.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay wasaaradda gaashaandhigga, ciidamada milltariga iyo sidoo kale wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaan midna noo suuragalin.

Balse qaar ka mid ah ciidamadii ku sugnaa furimahaas ee maanta ka soo baxay ayaa noo sheegay in sababta bixitaankooda ay tahay “dayac ay kala kulmeen furimaha dagaalka”.

Sarkaal ka tirsan ciidamada macwisleyda ee ka dhinac dagaalama ciidanka xoogga dalka, oo ka gaabsaday in aan magaciisa baahino, ayaa BBC da u sheegay in ciidamada “ay niyad ahaan waayeen cid dhiirrigalisa”.

“Muddo ayaan meel iska joognay innaga oo aan wax dhaqdhaqaaq ah samayn,” ayuu yiri.

Dhinaca caafimaadka, rasaasta iyo shidaalka ayuu sheegay sarkaalkani in ay dhibaato ka haysato ciidanka, isaga oo nala wadaagay jiritaanka dhawr hawlgal oo ay aadeen ciidamo ay isku aag ku jireen, balse marka ay furinta ka soo laabteen ay waayeen ciidamadii adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay u baahnaayeen.

Ciidamada ku sugnaa furimahaan ayaa kala ahaa laba ciidan oo ka socday ciidanka xoogga dalka oo lagu kala magacaabo; Ilaalo Qaran iyo Abuu Dajaana, iyo ciidamo kale oo ka yimid dadka deegaanka oo qaab qabaa’iil ah isku soo bahaystay.

Ciidamada Ilaalo Qaran ayaa ah qayb ka mid ah ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Ciidamadaan ayaa haatan ku sugan magaalada Baxdo, sida uu noo sheegay sarkaal aan lahadalnay.

Dagaalkii Caad

Ururka al Shabaab ayaa mid ka mid ah weeraradii ugu adkaa ee ay ka gaystaan furimaha waxa ay ku qaadeen ilaa todobo saldhig oo ciidamada dawladda iyo kuwa macwisleyda ay ku lahaayeen deegaanka Caad.

Weerarkaas oo sida ay sheegeen askar ku sugneed goobta ku bilowday qaraxyo xoogan ayay shabaabka ku burburiyeen dhawr saldhig oo ka mid ahaa kuwii Meesha ku yaalay.

Ciidamada dawladda ayaa xilligaas sheegay in xeelad dagaal isaga baxeen deegaanka, iyaga oo aan in muddo ah ku noqon deegaankaas.

‘Dharjab ayay ku tahay dagaalka’

Sida uu qabay Axmed Kaboole oo ka faalooda amniga, iayaa qaba in ka bixitaanka ciidamada dawladda iyo kuwa macwisleey ee furimaha uu ‘dhabar jab ku yahay hawlgalkii Libaaxa Madoow ee uu bilaabay madaxweynaha Soomaaliya’ kaas oo sida ay horay u sheegtay dawladda Soomaaliya ahaa mid lagu soo gabangabeynayo wajiga koobaad ee dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaad moodaa in aysan awood u lahayn wasaaraddii difaaca in ay jihayso ciidamadii, nidaamiso maleeshiyaadkii ku soo biirayay”, ayuu yiri Amxed Kaboole.

“Waa nasiib darro in 2024 ka, December, iyada oo ay baxayaan ciidamadii Amisom in al Shabaab ay dib u soo noqdaan ama xarumihii laga qabsaday ay dib ugu soo noqdaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Kaboole.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18 bil ka hor ku dhawaaqay inay dawladiisu bilaabeyso dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Kadib guulo hordhac ah oo ay gaareen ciidamadu kuwaas oo ay kula wareegeen deegno badan, ayaa waxaa dadka qaar ay sheegayaan in ciidamada dawladda ay xajin la’yihiin gacan ku haynta meelaha ay qabsadeen.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo Saakay ku Wajahan Furimaha Dagaalka Galmudug
Next articleXasan shiikh oo kulan Xasaasi ah la Qaatay Ciidamada Danab Xili Furimaha Mudug ay kasoo Baxeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here