Home puntland (Dhageyso) Marwo Caasho Geelle oo sheegtay in la doonayo in la xiro...

(Dhageyso) Marwo Caasho Geelle oo sheegtay in la doonayo in la xiro iyo Sababta keentay

0

Marwa Caasha Geelle Diiriye oo Warbaahinta kula hadasahay Magalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay ka hadashay Xubnaha guddiga dhismaha wadada Boosaaso ee la xiray & xariga ay sheegtay in lala damacsan yahay.

Waxaa ay Madaxda Maamulka Puntland ka dalbatay Marwa  Caasha Geelle inay si deg deg ah u siidaayaan Xubnaha Guddiga oo ka kooban Odoyaal,Ganacsato iyo Culimo’udiin ,kuwaas oo Boosaaso lagu xiray.

Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in Magalada Gaalkacyo laga dareemayo Dhalinyaro is abaabulay iyo Ciidamo, iyada iyo Guddiga dhismaha Garoonka Cawaale ka difaacaya inay ciidamada Puntland xiraan.

Waxaa ay sheegtay in ay wadan wadahdallo iyo qorsho ay ku joojinayaan in uu dagaal dhexmaro dhalinyarada iyo ciidamada puntland,waxaana Madaxda sare ee Puntland ay ka dalbatay inay joojiyaan xeritaanka dadka horumarka wada.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here