Home galmudug Dad isku Qoys ah oo Xalay lagu dilay Deegaano Hoostaga Gobolka Mudug...

Dad isku Qoys ah oo Xalay lagu dilay Deegaano Hoostaga Gobolka Mudug (Faahfaahin)

0

Wararka laga helayo degmada Jariiban oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen dad Xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa Deegaanka Docolo ee Koonfurta magaalada Balibusle ee degmada Jariiban gobolka Mudug,isla markaana ay dil iyo dhaawac gesyteen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay u sheegeen Warbaahinta la howlgashha deegaanada Puntland in Xilliga la weeraray dadkaas ay ku sugnaayeen Hooygooda,isla markaana maleeshiyaadka hubeysnaa ay dileen Saddex Ruux oo isku qoys ah halka mid kale ay dhaawaceen.

Dhacadaan oo dhacday habeen ka hor ayaa daba socotay weerar khasaaro dhimasho iyo dhaawc ah geystay oo dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug,waxaana arrintaan sidoo kale loo aaneynaa arrimo la xiriira aanooyin qabiil.

Gudoomiyaha degmada Jariiban ee Gobolka Mudug Maxamuud Maxamed Maxamuud ( Muufo) ayaa sheegay in dilkaasi uu ahaa mid gardarro ah,isla markaana loo geystay dad Xoolo dhaqato ah oo aan waxba galabsan.

Waxa uu ugu baaqay dadka ku nool Gobolka Mudug inay ka qeyb qaataan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilkaas,sidoo kalena shacabka looga baahan yahay inaysan colaad kale abuurin.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here