Home Wararka Maanta Ciidmadii lagu Wareejiyay Amaanka Muqdisho oo Markii Ugu Horaysay Qarax lala Eegtay...

Ciidmadii lagu Wareejiyay Amaanka Muqdisho oo Markii Ugu Horaysay Qarax lala Eegtay Iyo Askar ka Geeriyootay

0

Qarax nuuca miinada ah oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa caawa ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxan lala eegtay ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan miino ayaa lala eegtay gaari nuuca Cabdi Bilaha ah oo ay wateen ciidam o katirsan booliiska sida milatariga u tababaran ee lagu wareejiyay ammaanka magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay afar askari oo katirsanaa ciidamada qaraxa lala eegtay, waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay askar kale oo katirsanaa ciidanka, kuwaa oo dhaawacyadooda loola cararay isbitaalo kuyaalla Muqdisho.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa gaaray goobta Xalay qaraxa miino ka dhacay, lamana oga ilaa hadda in dad ciidamada ammaanka usoo qabteen qaraxa khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay degmada Kaxda.

Ad
Previous articleGaadiid loogu tala galay sugida Amniga Muqdisho iyo adeegga dadweynaha oo la diyaariyay (Sawirro)
Next articleCiidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Burcad dhac geesatay iyo ganacsade Waxay Ay soo Dhacaan ka Gadan jiray (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here