Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo Ka Dhacay Deegaan Hoostaga Degmada aadan Yabaal Alshabaabna laga...

Dagaal Culus oo Ka Dhacay Deegaan Hoostaga Degmada aadan Yabaal Alshabaabna laga Qabsaday Degaankaas

0

Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo lagu laayey kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceelbacad oo hoos taga degmada Aadan-yabaal.

Taliyaha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxdu ay saacadihii ugu dambeeyey isaga baxeen degaanka Ceelbacad, isla markaana looga daba tegay dhul-howd ah, halkaas oo aad loogu laayey.

Jeneraal Biixi ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 67 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in howlgalku uu weli socdo oo khasaaraha gaaray Al-Shabaab uu intaas ka badan yahay.

“Dagaal aad u xoog badan ayaa halkaas ka dhacay dagaalkaas hadda waa qaboobay oo xabadii ma socoto ee ciidanka ayaa sifeyn wada, waxaan xaqiijinay oo dul istaagnay geerida 67 Shabaab ah, dhaawaca ayaa intaas ka sii badan, meydadka iyo qoryihii ayaan hadda isku uruurineynaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Taliyaha ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu kala aqoonsanayo meydadka saraakiishii hoggaamineysay Shabaab-ka la laayey, “Ceelbacad gacanta dowladda ayey ku jirtaa, waa khasab in madaxdii Al-Shabaab ay meydadkaan tirada badan ku jiraan, dib ayaan ka soo sheegi doonaa oo xaqiijin ayaan wadnaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Biixi.

Sidoo kale taliyaha oo ka hadlay howlgalkii lagu xoreeyey degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in si nabad ay kula wareegeen gacan ku heynta degmadaas, isla markaana ciidankii xoreeyey ay sii eryanayaan firxadkooda.
Ad
Previous articleItoobiya Iyo TPLF Oo Isku Raacay Hal Arrin Oo Ay Wadajir U Diidanaayeen.
Next articleToogasho ay ku dhinteen Dad Shacab ah oo ka dhacday Caasimada Faransiiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here