Home Wararka Maanta P.M Xamza oo War kasoo Saaray Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada...

P.M Xamza oo War kasoo Saaray Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada oo loo haysto weerarkii Hotel Rays

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Rays ee madaxtooyada Soomaaliya ku agyaalla, isagoo sheegay in isla xisaabtan uu ka dhashay wixii dhacay.

Ra’iisul wasaraha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in la xiray oo baaritaan uu ku socdo dhamaan askartii joogtay baraha control ee Madaxtooyada laga galo, habeenkii uu dhacay weerarkaas.

“Waxaan dooneynaa in baaritaankaas dhabta laga gaaro, laakiin waxaan kuu xaqiijinayaa in dhamaan dadkii laga shakiyey la xiray oo baaritaankoodu uu socdo,” ayuu yiri Xamse.

R/Wasaare Xamse ma cadeyn tirada dadka loo heysto wixii dhacay iyo goorta lasoo gabagabeynayo baaritaanka ku socda, sidoo kale ma jirto cid ilaa hadda maxkamad loo soo taagay weerarkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay guulaha ay xukuumadiisu ka gaartay xoreynta dalka, mudadii uu joogay xafiiska, isagoo sheegay in weerarkii Al-Shabaab looga qaaday 3-da jiho ay guulo waaweyn ka gaartay dowladdu.

Wuxuu sheegay in xagga fikirka ay uga guuleysteen kooxda oo culumadii oo dhan ay fatwo ka soo saartay, “Al-Shabaab lama dhaho hadda, Khawaarij ayaa la dhahaa, culumadeena ayaana ku dhawaaqday,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha dhaqaalaha Al-Shabaab, isagoo sheegay inay gaajo u dhimanayaan kadib markii ay dowladdu saartay cunaqabateyn xoog leh, isla markaana la xiray dhamaan akoonadii ay lacagaha ku shuba jireen.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad celiyey ganacsato uusan carabaabin, kuwaas oo sida uu sheegay ku garab siiyey in la xiro akoonadaas.

Dhanka dagaalka tooska ah, wuxuu sheegay in ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ay HirShabeelle ka xoreeyeen Al-Shabaab, isla markaana ay ciidanku hadda u talaabeen Galgaduud, isagoo sheegay in rajo badan uu ka qabo in kooxda deg deg looga xoreeyo Galgaduud

Ad
Previous articleWiilka Uu Dhalay Boqorka UK Oo Qirtay Inuu 25 Qof Ku Dilay Afghanistan.
Next articleManchester United oo albaabadeeda u furtay oo weeraryahanka Muslimka ah ee Vincent Aboubakar oo sababta Cristiano Ronaldo uga tegay kooxda Sucuudiga ee Al-Nassr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here