Home galmudug (War deg deg Ah) Gaalkacyo oo lagu dilay Suldaan Cabdulaahi Suldaan Cabdiraxmaan...

(War deg deg Ah) Gaalkacyo oo lagu dilay Suldaan Cabdulaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa Salaadiinta Galmudug

0

Dabley Hubeysani Ayaa Goor dhow Gaalkacyo Ku dilay Suldaan Cabdulaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa Salaadiinta Gobolka Mudug Ee Galmudug.

Raga dilka geestay ayaana goobta ka baxsaday mana jirto Faahfaahin dheeraad ah oo dilka laga helay madama uu dilka hada dhacay.

Dadka Degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada ammaanka ay soo gaareen goobta uu dilka ka dhacay, marka ay baxsadeen raggii Bastooladaha ku hubeysnaa ee dilkaasi gaystay.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ayaa walaac ku abuuray dilka  Suldan Cabdulahi suldaan Cabdiraxman , maadaama uu ahaa Oday si weyn looga garanayay halkaasi.

Dilka Nabadoonka, ayaa ku soo beegmaya, xilli toddobaadyadii la soo dhaafay dilal Qorsheyan ay ka dhacaayeen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Wixii ku soo kordha lasoco

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here