Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Taliye ku Xigeenkii Danab ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Taliye ku Xigeenkii Danab ee Lagu Dilay Degmada Qalcad

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray geerida Taliye ku-xigeenka ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed (Xasan Tuure), oo saaka ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in geerida Taliye Xasan Tuure aysan marnaba niyad jebin karin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka u midoobay inay argagixisada nolosha u diiddan shacabka ay iska dul-qaadaan.

“Taliye Xasan Tuure waxaa uu ku shahiiday hawlgal uu uu waddankiisa ku xorreynayo, waana geesi taariikhda ay xusi doonto, laguna xusuusan doono kaalinta uu ka qaatey in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kaalintii taliyaha AHUN ay buuxin doonaan geesiyaasha kale ee ciidanka xooga dalka, islamarkaana ay saameyn ku yeelan doonin dardarta ay ku socdaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Waxaa uu ahaa astaan u taagan in Soomaaliya laga xorreeyo Khawaarijta, kaalintiisana waxaa buuxin doona geesiyaasha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca waddankooda.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale tacsi u dirtay shacabka, ciidanka xoogga dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed (Xasan Tuure).

Taliye Xasan Tuure ayaa ku dhintay dagaal qaraxyo ku billowday oo ka dhacay Galcad, halkaasi oo ciidanka xooga dalka ay ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa saaka la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.”

Weerarka saaka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud
Ad
Previous articleShirkada Hormuud oo Diiday inay Fasaxdo Adeega Degeenadii laga Saaray Alshabaab
Next articleZelenesky oo xulafadiisa ugu baaqay taageero hub oo degdeg ah iney dalkiisa la soo gaaraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here