Home Wararka Somaliya Galmudug Taliya Ciidanka Xooga Dalka iyo Cali jayte iyo Saraakiil kale oo ku...

Taliya Ciidanka Xooga Dalka iyo Cali jayte iyo Saraakiil kale oo ku Shiray Maxaas(Sawiro)

0

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo saraakiil la socota ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas uu durba ka bilaabay abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa degmada Maxaas kula kulmay xildhibaanno katirsan baarlamaanka federaalka, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo saraakiil milatari iyo kuwa dadka deegaanka.

Taliyaha ayaana kala hadlay masuuliyiinta iyo saraakiisha uu la kulmay sidii loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan bariga gobolka Galgaduud, gaar ahaan howlgalka ku wajahan degmada Ceelbuur iyo deegaannada hoostaga.

Waxa uu taliyaha warbixino ka dhageestay xildhibaannada katirsan baarlamaanka federaalka ee Maxaas iyana u jooga abaabulka dagaalka iyo saraakiisha ciidanka, waxa uuna u sheegay in dowladda diyaarisay howlgal saf balaaran oo ka dhan ah Al Shabaab.

Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa ku diyaarsan ciidamo badan oo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka , waxa ayna ciidankan sugayaan in ay qaadaan howlgal lagu xureenayo Ceelbuur iyo deegaannada hoostaga.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Ceel lahelay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Alshabaab ku Qaadeen Deegaanka Ceel lahelay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here