Home Wararka Maanta Faahfaahin Dheeri ah oo laga Helay Qarixii Cuslaa ee ka Dhacay Magaalada...

Faahfaahin Dheeri ah oo laga Helay Qarixii Cuslaa ee ka Dhacay Magaalada Baladxaawo

0

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Isaaq (Alqaadi) oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qarax xoogan oo gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay degmada Beledxaawo.

Alqaadi ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa uu ka dhacay waddo laga soo galo magaalada, isla-markaana ay ku yaallaan goobo ganacsi, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedka uu ahaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay halkaasi, kuwaas oo qarax miino loo dhigay

“Qaraxa wuxuu ka dhacay meel magaalada laga soo galo oo inta badan ciidamada maraan, waan meel waddo ah oo laga ganacsanaayay oo maqaayado ku yaallaan” ayuu yiri AlQaadi.

Sidoo kale wuxu intaasi ku daray in qaraxu haleelay mid kamid ah kolonyada ay wateen ciidamada dowladda, ayna ku dhinteen laba askari, halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale.

“Gaari Saksuuko ah oo ay ciidamada qateen ayuu qaraxu haleelay, khasaaraha inta la xaqiijiyay waxaa ku shahiiday 2 askari iyo dhaawacyo yaryar” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu sii hadalkiisa sii raaciyay “Qaraxyadan waxay muujinayaan tabartooda oo yaraatay, maadaama ay sii baaba’ayaan”

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana Beledxaawo iyo agagaarkeeda howlgallo amni xaqiijin ah ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa darawiishta maamulka Jubbaland.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab, waxaana weeraro kala duwan ay ka fuliayaan deegaanada iyo degmooyinka gobolkaasi.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaallo culus oo Xalay oo Dhan Dhexmaraayay ciidamada Isaraa’iil iyo dagaalyahannada Xamaas
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Hoggaamiyaha SSC soona gaaray Muqdishu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here