Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Qaraxa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii Ugu Danbeeyey Qaraxa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka aroortii hore ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Shibis.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari la sheegayin lagu soo walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay isgoyska Beexaani ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa ahaa Surf, kaas oo gebi ahaan goobta ku basbeelay, sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayal ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan uusan geysan wax khasaare nafeed ah, marka laga reebo burburka gaariga lagu soo xiray oo yiilay halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xilliga uu qaraxu dhacayay uu baabuurka ka maqnaa ninka iska leh, kadibna uu qarxay isaga oo baakin ku jira.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo isku keedaamay goobta, kadibna sameeyay baaritaano kooban.

Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada maadaama uu qaraxu dhacay xilli aroor ah oo dadku ay jarmaadayeen.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka kasoo saareen qaraxaas iyo cidda wadatay gaariga lagu soo xiray.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darre ee maalmihii u dambeeyay ka dhacayay caasimada, kuwaas oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo.

Falkii igu dambeeyay oo is-miidaamin ahaa ayaa waxaa lagu beegsaday Kulliyadda Jaalle Siyaad, kaa soo lagu laayay askar badan, waxaana ka dhashay tuhun xoogan.

Si kastaba, dhacdooyinka ayaa kusoo aadayo, xilli ay dhankooda dadaallo xoogan wadanaa hay’adaha ammaanka oo iyaguna howlgallo culus ka sameeya magaalada Muqdisho.
Ad
Previous articleQarax ka Dhacay Dalka Pakistaan iyo Dad ka badan 30 Qof oo ku Dhintay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Halka Uu maraayo Safarkii Madaxweyne Xasan shiikh ee Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here