Home wararka Dalka Kooxda Shabaab oo war kasoo saaray Qaraxyada ka dhacay Kismaayo

Kooxda Shabaab oo war kasoo saaray Qaraxyada ka dhacay Kismaayo

0

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo gabal dhicii maanta lagu qaaday Hotel lagu magacaabo Cas Caseey oo sidoo kale loo yaqaab Madiina ee kuyaala magaalada Kismaayo.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano kooxdooda katirsan weerar xoogan ku qaadeen Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo , waxa ayna Al Shabaab sheegeen in masuuliyiin ay degnaayeen Hotelka la weeraray.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi iyo Inqimaasi ah ku qaaday mid kamida Hoteelada ay deganyihiin saraakiisha maamulka  Jubbaland” ayaa lagu yiri warAl Shabaab kasoo baxay.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalyahanadooda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Hotelka Cas Casey ayna halkaasi ka wadaan toogasho ay u geesanayaan dadkii Hotelka ku sugnaa.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here