Home galmudug Shirweynaha Beesha Sacad oo maalintii Labaad galay iyo Qodobo looga hadlay

Shirweynaha Beesha Sacad oo maalintii Labaad galay iyo Qodobo looga hadlay

3

270 Ergo oo Ka Kala yimid meelo kala duwan ayaa maalintii labaad Shir ugu socda Magaalada Galkacyo waxaa loga hadlaya aayaha beesha Odayaal, Siyaasiyiin, Gacansato, Culuma,udiin, haween iyo Dhalinyaro ayaa Ka qayb galaya

Shirkan wuxu kusoo beegmay xili xasaasi ah Ajandaha shirka, Geedi socodka Beesha, Xaalada Gobolka Mudug, tan Galmudug, iyo mida somaliya waxaa shirkan lagu lafo gurayaa mustaqbalka Galmudug iyo howlaha kaga aadan beeshan waa qodobka ugu culus

Shirkan waa mid culus oo miisaan Ku leh Galmudug iyo Somaliya, waxa Indhaha Ku hayo Dadka beshaan kaso jeda ee Ku sugan goobo Kala duwan Sido kale waxaa indhaha Ku haya Dadka reer Galmudug oo xiligan marxalad xasaasi ah maraya, Raisul wasaare xasan Ali khayre ayaa Ka mid ah dadka sugaya Natiijada shirka

Raisul wasaare xasan Ali khayre wuxu raba beshan inay taageerto shirka dib uheshiisiinta beelaha Galmudug uu kaga dhawaqay Dhusomareeb iyo doorashada Galmudug taas oo xiligan saameyn fican Ku ledahay Dowlada Faderaalka somaliya, Sido kale raisul wasaaruhu wuxu raba in hubka iyo ciidanka Gobolka joga ee beshan kaso jeda Dowlada lagu wareejiyo wa labada qodob ee ugu muhiimsan socdalka Raisul wasaaraha

Dhinacyada Shirka Ka qayb galaya ee beshan kaso jeda ayaa Ku Kala aragti duwan arimaha miiska Saran wuxuna yahay qorshaha in meel loo wada jiheeyo, waxaa jiro dad Ku aragti ah raisul wasaaraha iyo kuwo kaso horjeeda oo intaba madasha shirka wada fadhiya hase yeeshee dhinacyadas Kala aragtida duwan qof walba wuxu ilaalinaya shirka madama la mamnucay mucaradnimo ama muxafidnimo aan danaha beesha Ku jirin.

Shirka oo malintii 2aad galay ayaa qorsha ahaa in sadex cisho socdo waxa macqul ah in laso gabo gabeeyo Hadi is afgarad la gaaro madama shirkan natiijadiisa lawada sugayo Sido kale waxa macqul ah in waqti intii lo qabtay kabadan uu qaato hadii aragtida dhinac loo wada jiheyn waayo, Gudi farsamo ayaa Jira oo dhinacyada Ka dhex shaqeynaya kuwas oo shaqadooda tahay is fahan wax walba in lagu dhameeyo saacadaha shirka uu socdo jawi wanagsan ayuu Ku socdaa.

W/Q Siciid Jaani

Mudug24 Helisink

10 ku laabo mudug24 xiriir

3 COMMENTS

  1. Galmudug waa dawladkamid ah federaalka markaa anigu Kuma raacsani cali in wax hub iyo ciidan laguwareejiyo iyadoo federaalkii kale hubkooda haystaan hadii faderaaldhamaaday oo la isku raaco markaas waa macquul Laakin hubka aan kaa dhigo kuuna taliyo macquulmaaha, arinkaas ha laga hadlo Wixii. kadanbeeya 2021. Wabilaahi tawfiiq

  2. Hubka hadii lawateejiyo sacad danbe ayaa gaalkacyo dagan lamamaqlayo walaahi majeerteen ayaa wasaya waayo hada sacad gaalkacyo hudka ayhaystan ayey kudaganyihiin marka hudka hubka hadey wateejiyaan ayagaa isdiley

  3. Nin odayaashu ay arkaan in uu ka baxay talada sacad odaayashu haku dhawaaqaan in uu sacad ka tisanayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here