Home galmudug Duleedka Magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay Dad Shacab Ah iyo Warar laga...

Duleedka Magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay Dad Shacab Ah iyo Warar laga helayo

0

Inta la xaqiijiyay ilaa Saddex ruux ayaa geeriyootay tiro intasi ka badana waa ay dhaawacmeen,kadib markii maleeshiyad huebsayn ay rasaas ku fureen Gaari dad Shacab ah ay saarnaayeen duleedka Waqooyi ee Magalada Gaalkacyo.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan oo aan weli la aqoonsan ay rasaas ku fureen Gaari rakaab ah oo marayay agagaarka deegaanka Saaxo oo hoostaga magaalada Gaalkacyo.

Dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay rasaastaas ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo,waxaana la sheegay inay goobta ka baxsadeen maleeshiyaadkii rasaaseeyay gaariga.

Ilaa iyo hadda lama oga dadka ka dambeeyay weerarkaas iyo sababta loo dilay,waxaana xusid mudan in dhawaan Magalada gaalkacyo lagu dilay 9 ruux oo kasoo kala jeeday deegaannada koonfur galbeed iyo Hir-Shabeelle.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here