Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday laba arrin oo muhiim ah

Xasan Shiikh oo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday laba arrin oo muhiim ah

0

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta kow ah, maadaama laga sooman yahay waddamada Islaamka oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay hambalyada munaasabadda bisha Ramadaan.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday laba arrin oo muhiim ah, wuxuuna ka dalbaday inay caawiyaan dadka danta yar iyo inay u duceeyaan dalka, si looga gudbo xaaladaha adag.

“Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan, Ramadaan kariim”.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza ayaa hambalyo u diray shacabka “Waxaan hambalyo ku aadan curashada bisha barakeysan ee Ramadaan u dirayaa dhammaan Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan Allaah (SWT) waydiisaneynaa inuu na waafajiyo cibaadada bisha soona, sidoo lale uu naga aqbalo”.
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya“Muusow wixii aad ka dagaalantay dadka haku sameynin”
Next articleMadaale oo Amaro Culus Duldhigay Hotelada Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here