Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay Madax kala duwan ee Kasoo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay Madax kala duwan ee Kasoo Qayb gashay Cakeeemasaarkiisa(Sawirro)

0

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo guud iyo kuwa gaar gaar ahba la qaatay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mudane Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaareyaasha dalalka Itoobiya iyo Masar, Mudane Abiy Axmed iyo Mudane Mustafa Madbuuli.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo dowladaha ka soo qeyb galay Munaasabadda Caleemo-Saarka, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalalka Caalamka, iyadoo lagu saleynaayo danta iyo ilaalinta dowladnimada Soomaaliya.

Madaxdan ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Caleemo-Saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku qabsoomtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Ad
Previous articleUhyru kenyata “Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan”
Next articleFahad Yaasiin oo Shaaciyay Sababta uu 5Sano uu aamusna oo Iskuna Qarinaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here