Home galmudug (Dhageyso) Sharuud ay Odayaasha Galmudug ee Cadaado ku xireen Kulanka Xasan Kheyre...

(Dhageyso) Sharuud ay Odayaasha Galmudug ee Cadaado ku xireen Kulanka Xasan Kheyre iyo Dowladiisa

0

Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa weli ku adkeysanaya inaysan la kulmi doonin Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ilaa iyo inta uu ka fulinayo tabashada ay qabaan.

Shalay markii uu tegay Magalada Cadaado ayaa Odayaasha ay diideen inay la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha taas oo keentay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu u gudbo Magalada Gaalkacyo.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Maamulkii Ximin iyo Xeeb kana mid ah waxgaradka Cadaado Cabdi Axmed Maxamed  Suldaan Cabdi Nuur ayaa Risaala u sheegay in waxgaradka & Odayaasha Cadaado aysan xilligaan diyaar u aheyn la kulanka Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa uu sheegay in tan kaliya ay kulankaas ku ogolaan karaan ay tahay in Ra’iisul Wasaaraha uu waxka bedelo go’aankii uu ku dhawaaqay 1-dii Bishaan ee ahaa in Doorashada & Shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Magalada Dhuusamareeb.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here