Home galmudug (War Hada ah) Kulanka Xasan Kheyre iyo Odayaasha Cadaado oo Fashilmay in...

(War Hada ah) Kulanka Xasan Kheyre iyo Odayaasha Cadaado oo Fashilmay in uu dhaco

0

Raisal wasaare Xasan Kheyre ayaa saacado ku sugnaa Degmada Cadaado halkaasi oo maanta uu gaaray si uu kaga gudbo dhanka magalaada Gaalkacyo.

Qorshaha Xasan Kheyre ee Cadaado ayaa ahaa in uu kulan la qaato odayaasha Galmudug ee Cadaadi si meesha looga saaro Cabashada odayaasha ee dhawaan soo yeertay.

Xasan Kheyre ayaa isku day badan u sameeyay sidii uu ula kulmi lahaa Odayaasha Beesha reer Xaaji Saleemaan sida mudug24 heleyso isagoo kasoo maray dhanka siyaasiyiinta ku sugan Cadaado lakin go’anka odayasha waxba iskama badalin.

Raisal Wasaare Xasan Kheyre ayaa ugu danbeyn goor dhow ka tagay Cadaado isagoo aaday dhanka magaalada Gaalkacyo oo dhankooda ay jirto kala qeybsanaan beelaha Galmudug ah kuna aadan siyaasada dowlada ku wajaheyso Galmudug.

Wixii ku soo kordha soo dhaweyn Kheyre lasoco

Mudug24 Cadaado

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here