Home galmudug Odayaasha Galmudug ee Cadaado oo diiday Kulanka Rai’sal Wasaare Xasan Kheyre

Odayaasha Galmudug ee Cadaado oo diiday Kulanka Rai’sal Wasaare Xasan Kheyre

0

Odayaasha Galmudug ee Degmada Cadaado ayaa Saaka diiday in kulan la qaataan Raisal wasaare Xasan Kheyre oo Saaka soo gaaray Degmada Cadaado.

Odayaasha Ayaa diidmadooda ku sheegay in Kheyre uu dhoor jeer uga baxay balamo ay la dhigteen isla markana hada diyaar u aheyn kulankiisa.

Sida Mudug24 heleyso Kheyre ayaa diidmada Odayaasha Cadaado kadib kulan la qaatay Siyaasiyiinta Galmudug ee Cadaado ku sugan waxana uu ka codsaday in markale odayaasha kulan la qaato.

Xasan Kheyre ayaa duhurnimadii maanta safar dhulka ah uga sii baxay dhanka Gaalkacyo oo la filayo in uu kulamo kulmo odayaasha Galmudug ee Gaalkacyo kuwaasi oo dhankooda kasoo horjeeda Dowlada.

Wixii ku soo kordha lasoco

Mudug24 Cadaado

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here