Home galmudug Galinsoor Ciidan Xirtay Wadada isku Xirta Gaalkacyo iyo Cadaado

Galinsoor Ciidan Xirtay Wadada isku Xirta Gaalkacyo iyo Cadaado

0

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay warbaahinta mudug24 ayaa sheegaya in maanta ciidan ka tirsan Galmudug ay xirteen Wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Cadaado.

Ciidanka ayaa ku sugan meel aan sidaasi uga fogeen Degmada Galinsoor waxana wararka intaasi ku darayaan in Ciidanka kasoo horjeedaan imaatinka Kheyre ee Gaalkacyo.

dhanka kale Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada Gaalkacyo ayaa ku baxay Ciidanka kuwaasi oo loo badinayo in goobta laga qaado si Xasan Kheyre u soo gaaro Gaalkacyo.

Raisal wasaare Xasan Kheyre ayaa lagu wadaa in uu Gaalkacyo soo gaaro Galabta isagoo safar uga soo baxaya Degmada Cadaado uu Saacado Hakad ku yahay.

Wixii ku soo kordha lasoco

Mudug24 Gaalkacyo

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here