Home Wararka Somaliya Puntland Maamulka Puntland oo soo bandhigtay Saraakiil ajnabi ah oo ka tirsan Daacish

Maamulka Puntland oo soo bandhigtay Saraakiil ajnabi ah oo ka tirsan Daacish

0

Ciidamada PSF ee Puntland ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay muuqaalka dagaalyahano Itoobiyaan ah oo ka tirsan Daacish

Muuqalkan lasoo bandhigay ayey qeyb kamid ah koox u dhalatay qowmiyadda Oromada Itoobiya uga hadleen qaabkii loo soo qabtay, halka ay ka yimaadeen iyo goobta ay kusii jeedeen.

Kooxdan oo gaareysa 7 dagaalyahan ayaa lagu qabtay gobalka Bari xili ay kusii jeedeen dhulka buuraleyda ah oo ay ku sugan maleeshiyaadka Daacish.

Hawlgalkii bishii June ee sanadkan ee lagu soo qabtay raggan ayaa ahaa hawlgalkii ugu horeeyey oo hal mar lagu qabto tiro intaas la eg oo ah dagaalyahano ajaanib ah oo dalka u yimid inay ku biiraan kooxda Daacish.

Hogaanka kooxda Daacish ayaa la sheegay inuu dhawaan la wareegay nin u dhashay qawmiyada Oromada, arrintaasi oo la rumeysan yahay inay sare u qaaday tirada Itoobiyaanka doonaya inay kooxdaasi ku biiraan.

Qeybtan hore ee lasoo bandhigay ayey qaar kamid ah ragga hadlay sheegeen in lagu khiyaamay oo dadkii waday ay u geeyeen kooxda Daacish, waxayna sheegeen in kooxdaasi ka bedashay magacyadooda una bixisay magacyo cusub.

 

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Maanta ku wajahan uganda
Next articlePuntland oo k Dhawaaqday inay Xirmeen 21 Iskuul Sababtana Shaacisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here