Home Wararka Somaliya Wararka ugu Danbeeyay Dagaalka Guriceel oo Wali ka Socda Magaalada Gudaheeda

Wararka ugu Danbeeyay Dagaalka Guriceel oo Wali ka Socda Magaalada Gudaheeda

0

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa weli ka socda dagaal u dhexeeyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa haatan lagu soo warramayaa inuu ka socda xaafadaha dhinaca waqooyi ee magaalada, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Ahlu Sunna ay dagaal rogaal celis ah ku qaadeen saldhigga Booliska oo ay xalay kasoo baxeen, ayna dib ula wareegeen.

Sidoo kale wararka ayaa waxa ay intaasi kusii darayaan in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay dhinacyada ka dageen saldhigga.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana weli magaalada laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.

Shacabka ayaa intooda badan isaga barakacay Guriceel, waxaana magaalada ku haray dad yar oo u badan dhalinyaro, isla-markaana looga tegay inay ilaaliyaan guryaha iyo hantida.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Galmudug iyo dhinaca Ahlu Sunna oo ku aadan dagaalkaasi.

Guriceel ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhashay, kadib markii Ahlu Sunna ay dhowaan la wareegtay gudaha magaaladaasi.

Ad
Previous articleWararka Ugu Danbeeyay Ciidanka Galmudug iyo Dowlada oo Gudaha u Galay Magaalada Guriceel
Next articleCiidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo la Wareegay Gurceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here